Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Afhayeenka Howlgalada Maxkamadaha oo Beeniyay Hadal ka Sooyerey Dowladda Itoobiya
Unreported World Somalia 1
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:323
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 2
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:146
Date:22-09-2008
Unreported World Somalia 3
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:118
Date:22-09-2008
Somalia Now and Then
Added by:Abbas Gassem
Rating:
Views:458
Date:07-09-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

Should Ethiopian troops leave Somalia?
 
Will 2008 be better year for Somalia?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 04 2008
Afhayeenka Howlgalada Maxkamadaha oo Beeniyay Hadal ka Sooyerey Dowladda Itoobiya
Written by Ali Moallim   
Friday, 04 July 2008

Muqdisho,(insidesomalia.org)-Afhayeenka Howl-gallada Maxkamadaha Islaamka Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu beeniyay hadal ay sii deysay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Itoobiya, kaasi oo ahaa in ay Ciidamada Itoobiya dileen 71 dagaalyahan oo isugu jiray dagaalyahanno iyo saraakiil hoggaamineysay.

Cabdiraxiin Ciise Caddow waxaa uu sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Wasaaradda Gaashaandhigga hadalkaas ku qarineyso dhibaato ka soo gaartay dagaalkii ay la galeen Xoogagga Maxkamadaha Islaamka.

“Dagaalladii aan Ciidamada Itoobiya kula galnay Guriceel, Matabaan iyo Ceel Gaal inta badan waxaan ugu geysanay Ciidamada Itoobiya khasaare xoogan, waxaana ka dilnay 140 askari, marka hadalka ka soo yeeray Itoobiya waxaan u arkeynaa mid ay ku qarinayaan jabkii aan u gesannay”ayuu yiri Cabdiraxiin Ciise Caddow.

Hadalka uu sii daayay Afhayeenka Howlgallada Maxkamadaha Islaamka Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya lagu sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Degmada Matabaan ay Ciidamada Itoobiyaanka ku dileen 71 dagaalyahan iyo saraakiishii hoggaamineysay, kuwaasi oo qaarkood ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Itoobiya in ay ku jireen Saraakiil heystay Jinsiyadaha Dalal kale.

Marka  la soo tago sheegashada Itoobiya ee ku aadan in ay dishay dagaalyahanno ka soo horjeeday iyo saraakiishii hoggaamineysay iyo beeninta Maxkamadaha Islaamka ee ka dabatimid ilaa iyo haatan ma jirto cid labada dhinac ka madax banaan oo xaqiijisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay Gobolada dhexe, gaar ahaan Degmooyinka Matabaan iyo Guriceel.





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >